Anigoo sebi uun ahoo Sita leeb iyo qaansoo Siigaduun isku aasoo abo reer ka fogaanoon Laygu aaminin soofkiyo Saaca maanta aan joogno Gabaygu waygu sugnaayee Haddii aan Sarsarriigo Ama aan surmaseejo Amaba aan sixi waayo Ama aan ka salguuro Amaba laygu saluugo Soomaalida i maqlaysaay I su'aala hadhow Ilaahaan waxba seegine Subaciisa Quraankiyo Sabbaxooyin ku sheegayow Saciira iyo naciima Rabbiigii kala seerayow Markay suurtu dhawaaqdo e La soo saaro makhluuqa e Shaqiga iyo saciidka Maalintaad kala soocdo Dembigaannu samaynay Rabbigayow naga saamax Subciyay oo ka dukeeyaye Ka siddeetan sebaaney Calankaannu sugaynaye Sahankiisa ahaynow Seermaweydo hillaacdayow Sagal maanta darroorayoo Siigadii naga maydhayow Saq dhexaannu ahayne Kii soo saaray cadceeddow Samada kii u ekaaye xiddigaa mid la siiyayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib Kanna saar Saahidiinta lslaamka e Subcisaa Jimcayaashiyo Sibyaanta iyo haweenku Calankay Saadinayeenow Cidina kaanay na Siine Saatir noogu yaboohayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Sallaankii istiqaalkow Sedadu kay ku xidhnaydow Sayruukhii Afrikaadow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar San-ku-neefle dhammaantii Khalqiga kii u sinnaayeen Mid saaxiibla ahayne Sangalkii iska diidayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow Aan siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar Soomaloo iscunaysa oo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysu cabbaystiyo Hadba soof la xabbaadhiyo Saraayaa dami weydey Kii laydhiisu na saaqdayow Kii sadqeeyey qabaa'ile Isu saaray gacmaa ee Saf walaala ka yeelayow Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar In sidayda tihiin iyo In kalaanan saxaynine Soomaloo calan taagta Saakay noogu horraysa oo Saddex wiig iyo maalmo Haddaan Soor cuni waayo Safrad laygama yaaboo Sarina mayso naftayda e Saaxirkii kala guurraye Sarreeyow ma-nusqaamow An siduu yahay eegno e Kaana siib kanna saar